Barmaamijka Mooge Festival / Hargeysa International Book Fair 2009 Maalinta Lixaad – Isniin 27 Julaay 2009
Dhacdada Koowaad: Bandhigga Xarunta Cilmibaadhista, Akhriska iyo Buug Fidinta ee Badda Cas – Waqtiga 09:00 -11:00 – Waxaa daadihin doona Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
Fadhigani wuxu ka koobnaanayaa bandhigyo iyo casharo ay bixinayaan culumo Somali ahi oo ku saabsan kaalinta jaamacadaha, dugsiyada, maktabadaha iyo dawladaha hoose ka qaadan karaan kor u qaadidda dhaqanka wax-akhriska. Casharada waxa bixinaya prof. Xuseen Xasan Guuleed, Dr Xuseen Bulxan, Dr Sacad Cali shire. Waxa ku xigaya doodo mawduuca lagu sii ambaqaadi doono.
Dhacdada labaad: Gabayada Colaadda iyo Nabadda, waxa hagaya Maxamed Baashe Waqtiga 11:00 – 13:00
Dhacdadan waxa lagu qaadaa dhigayaa akhris iyo doodo ku salaysan halabuurka faneed ee suugaanta Soomaaliyeed 200 ee sano ee u danbaysay. Dhacdadan waxa lagu soo bandhigayaa daabacaadda cusub ee Taxanaha Suugaanta Soomaliyeed oo uu tifaftiray Rashiid Sheekh Cabdillahi Gadhweyne uuna af Ingiriisi u tarjumay Dr Martin Orwin. Ururinta xulka gabayaaga waaweyn ee Soomaaliyeed ee taxanaha ku jira waxa ka qayb-qaatay Axmed Aw Geedi iyo Ismaaciil Aw Aadan, waxana daabacay hay’adaha Progressio iyo Redsea-Online. Waxa jiraya qaybo buuggaas ka mid ah oo akhriyayaan qoraayada buuggan ee madasha joogaa. Ka qaybgalayaasha dhacdadan waxa ka mid ah suugaan yahanno, aqoon yahanno iyo xeeldheereyaal ay ka mid yihiin Rashiid Sh Cabdillaahi, Axmed Aw Geedi, Axmed Macalin, Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye iyo Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.
Read the rest of this entry »