Archive for August, 2009

Hire Maxamed Moogow!

Written by admin on August 30th, 2009

Heestan la magac baxday “Hire Maxamed Moogow” waxa curiyey Maxamed Jaamac Kayd. Waxay ku soo baxday bandhiggii Mooge Festival 2009, Hargeysa 22-27/08/2009.

1.
Hanadkii dadnimadiyo
Haybad iyo aqoon wacan
Rabbi hibo u siiyoow
Hire Maxamed Moogow
Read the rest of this entry »

Somali Week Festival 2009

Written by admin on August 20th, 2009

Jimce 23 – Sabti 31 Oktoober – Oxford House,
Derbyshire Street, Bethnal Green, London E2 6HG
Debbaaldegga Toddobaadka Fanka iyo Suugaanta Soomaalida 2009

Kayd Somali Artist and Culture iyo REDSEA-ONLINE.COM waxay si wada jir ah kuugu soo bandhigayaan Debbaaldegga Toddobaadka Fanka iyo Suugaanta Soomaalida ee sannadlaha ah, kana dhaca Landhan, UK. Debbaaldaggu wuxuu bilaabmayaa sannadkan maalinta Jimcaha, 23 Oktoobar soconayaana ilaa Khamiista 29 Oktoobar 2009; wuxuu ka mid yahay sidii caadada ahayd xuska taariikhda dadka madow ee waddanka Biritayn ee ka dhaca bisha Oktoobar.
Read the rest of this entry »

Dhaqan-goob: waxa curisey Canab Guuleed Maxamad

Written by admin on August 20th, 2009

Bishii May ee sannadkii 2008dii ayey Canab Guuleed u socdaashay tuulada la yidhaa Ismaaciil Diiriye oo ka tirsan gobolka Oodweyne, dhulkaas oo ah deegaankii ay Canab ku dhalatay kuna barbaartay. Canab intii ay socdaalka ku jirtay waxay indhaheeda ku aragtay dhaqan guur ku dhacay dadka, duunyada, deegaanka iyo qalabkii reer guuraaga Soomaalidu adeegsan jireen. Haddaba gabaygan Dhaqan-goob oo ay kaga hadlayso arrimahaa murugada leh ayaa maskaxdeeda ka soo maaxday maalmahaa ay socdaalka ku jirtay. Canab Guuleed waxay gabaygan ku soo bandhigtay oo ay kaga qayb gashay bandhiggii dhaqanka, suugaanta iyo carwadii buugaagta ee loogu magac daray MOOGE ee Hargeysa ka socday 22kii-27kii bishii Juulaay 2009ka. Canab Guuleed gabaygan hodanka ah ee Dhaqan-goob waxay fagaarahaa ka tirisay galabnimadii bishu ahayd 24kii Juulay 2009ka, maalintaa oo ahayd xilligii loo qoondeeyey suugaanta haweenka ee bandhiggii MOOGE. Waxay ku bilawday sidan.
Read the rest of this entry »

Sawirradii Bandhig-dhaqameedkii Mooge Festival Iyo Carwada Caalamiga ah Ee Buugaagta Hargeysa

Written by admin on August 2nd, 2009

Hargaysa (Oodweynenews)- Waxaannu jecelnahay in aanu halkan idiinku soo gudbino sawiro aad u xiiso badan, oo ku saabsan Bandhig-dhaqameedkii ballaadhnaa ee loogu magac-daray Fannaankii/Halyaygii weynaa ee Maxamed Mooge Liibaan ee Mooge Festival ee July 22-dii ilaa 27-kii ka socday magaalada Hargaysa.
ka eeg halkan: www.oodweynenews.com