Archive for November, 2011

Festifaalka Toddobaadka Soomaalida 2011ka ee London iyo ka soo Qaybgalka Dr Georgi Kapchits

Written by admin on November 10th, 2011

Waxa qorey Maxamed Xasan “Alto”

Waxaa dhowaan mar kale qabsoomay Festifaalka Toddobaadka Soomaalida [FTS] ee London ee sannadlaha ah oo gacansaar la lahaa Redsea Online. FTS 2011ka wuxuu festifaalladii taxanaha ahaa ee London, Boqortooyada Midowdey, ku qabsoomi jirey laga soo billaabo 2004tii, ka galay taariikh lama illaawaan ah. Wuxuu noqday kii ugu tayo iyo tamar wacnaa. Waxay dulucda FTS ee sannadku ahayd tarjumid. Waxaa la soo bandhigey buugag tarjuban oo tiro badan. FTS wuxuu sannadkan wada shaqeeyn la lahaa Xarunta Tarjumidda Maansooyinka iyo Agaasimaheeda Gabyaa Sarah Maguire. Waxay XTM tarjuntay maansooyin xul ah oo ay leeyihiin dhowr gabyaa oo ku casumnaa FTS. Read the rest of this entry »