Bandhigga Buugaagta Cusub ee Af Soomaaliga lagu daabacay- Toddobaadka Fanka iyo Dhaqanka

Written by admin on September 5th, 2016

Toddobaadka Fanka iyo Dhaqanka Soomaalida: Maalinta Buugaagta Cusub ee Af Soomaaliga lagu daabacay –
Bandhiggu waxa uu ka dhacayaa daarta Oxford House, Derbyshire Street, E2 6HG – 29 Oktoober – Saacadda 6:00 ilaa 10:00 fiidnimo – Waa bilaash.

Maalintan gebihaanba waxa loogu talagalay qorayaasha iyo maanso yahanada Soomaalida iyo dadka kale ee Afka Soomaaliga ku hadla, si loo siiyo madal ay ku kala war qaataan oo ay ku soo bandhigaan waxqabadkooda buugta cusub ee ay soo saareen iyo cilmibaadhista afka iyo aqoonta ee ay wadaan. Waxa hagaya Dr. Jaamac Muuse Jaamac, Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka.

Maxamuud Sh. Dalmar ayaa wuxu la wadaagi doonaa madasha buugiisii koobaad oo ay ku qorantahay maanso ka kooban in ka badan 900 oo bayd, oo ku saabsan sheeko u dhigan hab male-awaal ah 00 lagu matalayo in Af Soomaaligu uu u safrayo Yurub isaga oo raadinaya in uu magangalyo ka helo waddamada Reer Galbeedka, gaar ahaan UK.

Ismaaciil A Ubax

Ismaaciil A Ubax

Cabdiraxmaan M Abtidoon

Cabdiraxmaan M Abtidoon

Jawaahir Daahir

Jawaahir Daahir

Cabdalla Cismaan Shafey

Cabdalla Cismaan Shafey

Ismaaciil Cabdillaahi Ubax waa qoraa da’yar oo soo saaray buuggiisii labaad ‘Indhadeeqey ku aaway?’ (2016) kaas oo lagu soo wareejiyey Yurub iyo Somaliland. Sheekadii koobaad ee uu qoray ee ‘Maxaan galabsadee la iga goynayaa’ (2013) ayaa iyaduna ka mid ah sheekooyinka Soomaaliga ku qoran ee aad ka loo akhristo.

Rashiid Gadhwayne iyo Sheekh Dalmar

Rashiid Gadhwayne iyo Sheekh Dalmar

Maxamed Xirsi Guuleed "Abdibashir", writer and poet.

Maxamed Xirsi Guuleed “Abdibashir”

Cabdalla Cumar Mansur

Cabdalla Cumar Mansur

Baresare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa soo jeedin doona daabacaad danbe oo uu ku sameeyey buuggiisii ‘Taariikhda iyo Luuqadda Bulshada” oo ay imminka daabacday shirkadda Looh Press. Daabacaadan cusub waxa lagu soo daray cutub ka hadlaya Luuqad yaqaanada Geeska Afrika, khariirado iyo tusmo.

Siciid Jaamac Xuseen

Siciid Jaamac Xuseen

Maxamed M. Cabdi "Haykal"

Maxamed M. Cabdi “Haykal”

Saynab Daahir

Saynab Daahir

 

Siciid Jaamac Xuseen ayaa akhriyi doona daabacaadda labaad ee buuggiisa Sheekooyinka gaagaaban ee ‘Safar aan jiho lahayn’. Daabacaadan cusub ee dib loo qaabeeyey waxa lagu soo sheekooyin cusub oo qeexaya “sawirro” cusub ee khibradda socdaalada qoraaga.

Cabdalle Cismaan Shafey wuxuu jeedin doona buuggiisa cusub ‘Doorka waalidka ee waxbarashada carruurta’. Sidoo kale waxa uu soo bandhigi doonaa buug uu la qorey Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo lagu soo ururiyey ku ururiyey erey xisaabeedyada oo ku qoran Afsoomaali.

Qorayaasha kale ee soomaalida ee ay ka mid ka yihiin Maxamed Xirsi Guuleed oo ku nool dalka (Sweden), Cabdiraxmaan Abtidoon oo isna ku nool dalka (Norway), Jawaahir Daahir (UK), Saynab Dahir (UK),Maxamed M. Cabdi “Haykal” (UK)  iyo Muuse Dalmar oo isaguna ku nool dalka (Sweden), ayaa waxay soo bandhigi doonaan hawlaha qoraannimo ee ay qabtaan halkaas oo ay dhagaystayaasha iyo shirkadaha daabacadaha ee ku yaal Europe iyo Geeska Afrika xog isku waydaarsan doonaan. Dooda furan ee bandhiga waxa ka qayb ah shirkadaha daabacaadaha (Looh Press, SomaliBooks.com), waxaana diirada lagu saari doonaa caqabadaha iyo fursadaha ay soo kordhiyeen shirkadahan wax ku daabaca Afsoomaaliga.
Daalcasahada buugta iyo gadashadooduba way furnaan doonaan maalinta oo dhan qorayaashuna waxay u saxeexi doonaan da


Comments »

No comments yet.

Name (required)
E-mail (required - never shown publicly)
URI
Your Comment (smaller size | larger size)
You may use <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong> in your comment.

This blog is kept spam free by WP-SpamFree.